Hooyadu ma awoodo keligeed
Hooyadan waxay timid Finland iyadoo lix carruur ah wadato. Nololmaalmeed wadankan ku cusub wey ku adkaatey waana ay daashey. Shaqaalaha xannaanada ayaa ka walwaley, carruurtii oo xannaanadii mararka qaar imaaneyn. Hooyadii ayaa lala kulmey kadibna lagu heshiiyey si wada jir ah, si kaalmo loo weydiiyo daryeelka arrimaha bulshada. Kaalmo waxaa loo sameeyey shaqaale qoyseed, kaasoo guriga qoyska kusoo booqanayo. Hooyadii waxay heshey in laga caawiyo howlihii guriga iyo howl maalmeedkii kale kadibna waxay xaaladeedii nolol maalmeed isu badeshey mid kasoo reyneysa.
Nolol maalmeedka wadan kugu cusub ma sahlana
Qoysku waxay ku jireen xero qaxooti inteysan imaanin Finland, halkaasuu aabihii qoyskuna u dhintey cudur. Nolosha wadankii hooyana waxay aheyd mid qasan, taasoo dagaaladu dumiyeen. Hooyadu ma aysan helin wadankeedii fursad ay ku dhigato iskuul mana aysan baran aqriska iyo qoritaanka. Aad waxay uga walwalsan tahay ehelkeedii, kuwaasoo weli ku sugan colaadihii dhexdooda.
Usoo guurista Finland iyo laqabshada nawaaxi, dhaqan kugu cusub waa wax adag. Ku noolashaha guryaha dabaqa iyaguna waxay leeyihiin sharuudo dhab ah oo u degsan, taasooy adag tahay in la xasuusto. Deriskii oo mararka qaar careysan, markii ilmuhu iska ordayaan kuna bood boodaan fiidkii guriga markey ciyaarayaan. Waxyaabahaas oo dhan waxay ku cad yihiin niddaamka iyo tusmeynta u degsan dhismaha, taasooy hooyaduna aqrin aqoonin.
Hooyadu waxaa la hadley billowgii hore shaqaalaha xafiiska adeega ajaanibta iyagoo adeegsanaya turjubaan, balse xaqiiqdii ma aysan xasuusan, meelihii la yiri la xiriir. Ka daneysiga masuuliyiinta inta badan ma aha wax sahlan, hooyaduna ma taqaan cid ay la xiriirto ay arrimaha jiro ka ogaato. Barashada saacadana wey ku adag tahay, taasoo sababta arrimaha qaar ineysan xalismin: Hooyadu waxay taktaa xafiisyada qaar wakhti qaldan, wakhtigaasna turjubaan ma joogo oo wuu baxay.
Hooyada wey dashay
Afarta caruurta ee yar yar waxey dhigtaan xannanada, labada weyna waxay dhigtaan dugsiga hoose. iskuulka iyo xannanada waxay soo diraan isbuuci mar waraaqo, laakin marwalba ma eysan helayn qof ku hadla luuqada kaaso ka cawinayo luuqada ama u turjuma.
ugu dambeenti hooyada waa ay daashay. Walwalka haysta dardiis hurdo ma seexato maankeedana wuxuu ku maqan yahay qarabadeeda ka maqan, hooyada wey awoodi weyday in ay yaryarka geyso xannanada malin walba, Nadafada guriganena wey ku adkaatay wixii culey ahaa oo dhan baa isugu yimid. hooyadii ma awoodo in ay dhaqdo dharka maalintii. Imihi weynaa iskuulka kadib waxey xanaaneyaan walaalahii ka yaryaraa.
Hooyadii iyadoo kaashaneysa shaqaalaha xannaanada ayey kaalmo dalbatey
Shaqaalaha xannaanada ayaa horey ugu sheegey hooyada fursadaha kala duwan ee kaalmo ay heli karto. Markii carruurtii ka maqnaansha xannaanada noqtey mid joogta ah, shaqaalihii xannaanada ayaa hooyadii ugu yeerey wadahadal xannaanada. Wadahadalkii kadib ayaa waxy wada gaareen go’aan iney la xiriiraan daryeelka arrimaha bulshada si loo qiimeeyo nooca kaalmo ay reerku u baahan yihiin Linkki Ka aqriso dheeri beejka macmiil ka ahaansha daryeelka arrimaha bulshada.
Shaqaalihii arrimaha bulshada ayaa wuxuu la kulmey hooyadii iyo carruurtiiba iyadoo ujeedadu tahay, in laga wareysto caqabadaha qoyska haysta iyo qaabkii loo caawin lahaa iyaga.
Reerkii waxaa loo qorsheeyey shaqaale u adeegaha qoysaska, kaasoo u imaanaya inuu hooyadii la sheekeysto kana caawiyo howlaha isku kor saaran. Reeraha carruurleyda shaqaalaha u adeegaha qoysaska wuxuu ugu imaanayaa inuu caawiyo ilaa intii howl maalmeedkoodu u haggaagayo si wanaagsan.
Shaqaalaha u adeegaha qoyska wuxuu booqanayaa qoyska oo uu booqanayaa labadii isbuucba mar xiliga ay ku heshiiyaan si ay u caawiso hooyada. Waxay u raaceysaa in ay lasoo xaliso arrimo culus iyo iney ka caawiso qabsashada ballan dhakhtar. Dhakhtarkii ayaa hooyada ka caawiyey hurdo la’aantii heysey iyo niyad jabkii.
Shaqaalihii adeegaha qoyska ayaa hooyadii uga heley urrur horin ku haboon, kuwaasoo sameeya waxyaabo badan oo gacanta laga qabto. Hooyadu waxay sheegtey ka qeyb ahaansha horintaasi iney farxad/firfircooni ka siiyaadsatey. Urrur kalana waxaa looga heley qof caawiya, qofkaasoo la kulmaya qoyskii labo jeer bishii. Qofkaas kaalmeeyaha ah ayaa mararka qaar ilmaha xitaa u saaraya bannaanka ama la ciyaaraya iyaga, sidoo kalen aka caawiyaan ilmaha waaweyn leylisyada ama mararka qaar iney la sheekeystaan hooyadii oo keliya. Si wadajir ah ayaa qoyska iyo shaqaalaha qoyska uwada qiimeynayaa haddii aan markaas loo baahneyn adeegeha qoyska kaalmadiisa, sababtoo ah hooyada xaaladeedu wey wanaagsanaatey iyo qofkii taakuleyaha ahaa oo reerkii joogto u caawinaya qoyskii.
Aqri midka xiga
Caawinaad ilmaha caqabada neerfo maskaxeedka
Dagaalka qoyska
Da’yar dhiban
Eraybixin
Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.