Sheeko dhab ah
Dhammaan qoysasku mar uun wey u baahan kaalmo. Mararka qaar waxaa dhacda dhibta iyo walbahaarka inuu sii bato markaasna waa muhiim in, kaalmo lahelo. Sheekadan dhabta ah waxaa looga hadlayaa kaalmo sidee ah ayey ka heleen qoysaska ajaaniibta adeega qoyska iyo carruurta iyo ururada.
Aqri midka xiga
Kaalmada badbaadadda carruurta ilmuhu intuusan dhalan
Marie waa keli daryeele ilmihii labaad dhali rabta. Kumbiyuutarkii la saarey ayaa lagu ogaadey in, ilmaha uurka ku jiro dhanka wadnaha caqabad ka heysto. Marie waxay ka walwalsan tahay, sidii ilmahaas yar iyo midka iskuuleyda ah.
Hooyadu ma awoodo keligeed
Hooyadan waxay timid Finland iyadoo lix carruur ah wadato. Nololmaalmeed wadankan ku cusub wey ku adkaatey waana ay daashey. Shaqaalaha xannaanada ayaa ka walwaley, carruurtii oo xannaanadii mararka qaar imaaneyn. Hooyadii ayaa lala kulmey kadibna lagu heshiiyey si wada jir ah, si kaalmo loo weydiiyo daryeelka arrimaha bulshada.
Caawinaad ilmaha caqabada neerfo maskaxeedka
Qoysu wuxuu ka kooban yahay hooyo, aabe iyo labo wiil. wakhtiyadii danbe wiilashii ayaa caqabad qabsatey. Wiilashii midkood ayaa dhibaato xaga foojignaanta qabsatey wuxuuna noqdey mid si sahalan ugu dagaalama iskuulkii.
Dagaalka qoyska
Qoys ka kooban afar ruux ayaa dagaal ba’an ka dhex dhacey, taasina waxay sababtey in deriskii ugu yeeraan booliis. Arrinkii markii la dhex galey xaaladii wey degtey. Dagaalkii denbe ayaa ahaa mid qatar leh: Aabe ayaa yed ku dhuftey hooyadii iyo carruurtii kadibna waxay u carareen hoyga amniga.
Da’yar dhiban
Asif isagoo 12 jir ah buu wax xadaa oo dagaallamaa. Waalidku way u taag waayeen. Iskuulka iyo badbaadada carruurta ayaa isku dayey inay Asif caawiyaan, laakiin Asif hab-dhaqankiisu wuu sii xumaanayaa.
Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka
Amal waa dhowr iyo toban jir, iyada iyo waalidkeedna marar badan buu muran dhexmaraa. Waalidku raalli kama aha siday Amal u dhaqmayso. Amalna raalli kama aha sida adag ee waalidkeed u edbiyaan. Khilaafyadu way ka sii dareen.
Iskhilaaf ayaa ka dhextaagan qofka dhallinyarada ah iyo waalidka
Ilmuhu ma laha guri rasmi ah
Anna waalidkeed mukhaadaraadka ayey si badan u isticmaalaan, gabadhana ma daryeelaan. Badbaadada carruurta waxaa khasab ku noqota inay marar badan gabadha yar guriga ka kaxeeyaan oo geeyaan meel lagu hayo.
Eraybixin
Eraybixintani waxay macnaynaysaa erayadaas kuwooda ugu muhiimsan ee la xiriira badbaadadda carruurta.